DF Somalia oo qaadacday shirka ka dhacaya Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday shir maanta lagu waday iney ku wada hadlaan Somaliland oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco magaalada Nairobi.

Agaasimaha guud ee Villa Somalia, Dr. Nuur Diiriye ayaa waxaa uu yiri ” Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nayroobi ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah lala furo Somaliland marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo”.

Kulanka waxaa soo qaban-qaabisay xarunta Centre for Humanitarian Dialogue, sidoo kale waxaa ka qeyb geli lahaa mas’uuliyiin ka socoto beesha caalamka.

Hadalka Fuursade ayaa imanaya ayada oo saacadihii la soo dhaafay ay jireen sheegayay in wakiilo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland ay shir ku yeelanayaan magaalada Nairobi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com