Xog: Kheyre oo beddelay qorshihii DF ee Galmudug

Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa wax ka beddelay qorshihii dowladda federaalka ay ku wajahnaa maamulka Galmudug, isaga oo kulamo ka wada magaalada Dhuuso-mareeb.

Dowladda oo markii hore loo arkayay inay hal dhinac la macaamileysay, ayaa haatan bilowday isku day dhinacyada Galmudug ula xaajoneyso, si xaalada loo dejiyo, islamarkaana loo gaaro heshiis ay dhammaan dhinacyada ku qanacsan yihiin.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulan la yeeshay Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo ah hoggaanka ugu sareeya Ahlu-Sunna, isaga oo ka dhaadhiciyey sidii loo qaban lahaa shir dhinacyada Galmudug la isugu keenayo, ka hor inta aan doorasho la qaban.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tagi doona magaalada Cadaado oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wafdi Xildhibaano ka yimid Muqdisho oo uu horkacayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare.

Qorshaha dowladda oo markii hore ahaa inay la macaamisho Ahlu-Sunna oo ay meesha ka tuurto Xaaf ayaa is beddelay kadib markii Xaaf uu aqbalay doorasho kana baxay heshiiskii Ahlu-Sunna.

Kheyre ayaa doonaya inuu xaqiijiyo in Galmudug ay doorato madaxweyne lagu wada qanacsan yahay, si khilaafka jira haddii la xaliyo uusan durba dib uga soo shaac bixin.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com