Odawaa oo war culus kasoo saaray xiisadda GalMudug

Cadaado (Caasimada Online) Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ayaa si kulul uga hadlay xaaladda cakiran ee haatan ka taagan maamulka goboleedka Galmudug

Xildhibaanka ayaa sheegay in xiisada Galmudug ay mareyso meeshii ugu darneyd, loona baahan yahay in la badbaadiyo, sida uu hadaka u dhigay.

Odawaa ayaa xusay inay muhiim  tahay in loo turo maamulkaasi iyo shacabka ku dhaqan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray xildhibaanku ayaa waxa uu soo jeediyay illaa saddex qodob oo uu tilmaamay in ay xal u noqon karaan xiisada taagan.

Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug ayuuna ka dalbaday inay dhaqan galiyaan fulinta qodobadaasi oo kale ah:-

1-In dadka deegaankan wadi dagani wadatashi nabadeed oo lagu raadinayo is-fahan siyaasadeed gaaraan.

2-In dowladda federaalka ahi, ahaado dowrkeedu isu soo dhaweyn iyo isu soo jiidjiid ee uusan ahaayn kala fogeyn iyo iska horkeen.

3-In doorasho hogaan cusub la wada qabto ayadoo loo wada dhanyahay oo aan magaalooyin ama kooxo gaar ahi wax is bidin.

Xildhibaan Odawaa ayaa ka mid ah xubno ku baxay xiisada Galmudug, waxaana haatan uu ku sugan yahay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Kulamo iyo wadahadallo ayey isaga iyo xildhibaano kale oo ka soo jeeda maamulkaasi ay wadaan, si xal waara looga gaaro khilaafkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
caasimada@live.com