DF Somalia oo qaaday tallaabo ka dhan ah Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaliya ayaa shaacisay in ay si weyn uga soo horjeedo in Kenya ay hoggaamiso la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in go’aanka kooxda xiriirka Soomaaliya ay ku doorteen Kenya uusan u qalmin Soomaaliya, islamarkaana aysan u hoggaansami doonin

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in haatan ururka xiriirka Soomaaliya ee la dagaalanka Burcadbadeeda uu dhammaaday waqtigiisa, isaga oo guuleystay.

Cawad ayaa intaasi ku daray in aysan jirin Burcadbadeed lala dagaalamo, islamarkaana gabi ahaan laga taqalusay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale carabta ku dhuftay in Kenya iyo Soomaaliya haatan uu ka dhexeeya muran dhinaca badda ah, sidaas daraadeedna aysan suuragal aheyn in Kenya ay qabato hoggaankaasi.

Ugu dambeyn waxa uu beeniyay in Ciidamo Kenyaan ah ay ilaalinayaan biyaha Soomaaliya,balse waxa sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda ururka ay yihiin cidda qabaneysa shaqadaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan meel xasaasi ah ay mareyso dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, taas oo hortaalla maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com