Khayre iyo Xaaf oo kulamo iska soo horjeeda ku yeeshay Cadaado iyo Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo xalay ka kala dhacay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgauduud.

Madaxweynaha Galmudug oo xalay gaaray Cadaado ayaa si ballaaran waxaa halkaasi ugu soo dhaweeyay Odayaasha deegaanka iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya.

Xaaf oo ku hoyday xarunta madaxtooyada Galmudug ee Cadaado, islamarkaana uusan tagin muddo ka badan hal sano ayaa halkaasi uga qeyb galay kulamo xasaasi ah.

Shirarkan oo ay wada qaateen Xildhibaano uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada ee maamulkaasi.

Lama shaacin natiijada rasmiga ah oo ka soo baxday shirarkaasi oo weli ka sii soconaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in xalay lagu qabtay kulamo oo gooni gooni ah.

Kulamadani ayaa waxaa wada qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali iyo madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ee ku sugan magaaladaasi.

Intooda badan waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Galmudug oo ay dowladdu ku dhawaaqday in la qabanayo afarta bisha July ee soo socota.

Xiisada ayaa u muuqata in ay ka sii dareyso, maadaama labada dhinac ay si aad ah ugu kala fog yihiin meesha lagu qabanayo doorashada.

Lama oga halka ay saldhigan doonaan dadaallada socda oo qasbay in ugu dambeyn uu ku biiro Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com