Xog: Beelaha Muqdisho iyo madaxweyne Farmaajo oo gaaray heshiis KMG ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in heshiis KMG ah ay gaareen odayaasha dhaqanka beelaha daga gobalka Banaadir iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, heshiiskaas oo ku saabsan go’doonka saaran magaalada Muqdisho.

Heshiiskaan oo aan ku imaanin rabitaanka dowladda balse la sheegay in uu ku yimid cadaadis la saaray ayaa lagu gaaray Madaxtooyada Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Malaaqa beelaha Abgaal iyo odayaal kale oo ka socday waxgaradka gobalka Banaadir ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Villa Somalia todobaadkaan waxeyna Madaxweynaha ku wargeliyeen in aysan mas’uul ka aheyn go’aan kasta oo ay qaataan dadka daga gobalka Banaadir intaan ka badanna aysan hortaagnaan karin cabashada dadweynaha

Goobta uu shirkaan ka dhacay waxaa ku sugnaa Wasiirka amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo siyaasiga Salaad Cali Jeelle kuwaas oo dhamaantood Madaxweynaha ku wargeliyay culeeska ka heesta ukala gar qaadidda dowladda iyo odayaasha.

“Mudane Madaxweyne aniga mas’uul kama ahi mana kaa hortaagnaan karo odayaasha iyo shacabka gobalka Banaadir oo ku dhow in ay qarxaan caburin aawgeed” ayuu yiri Imaamka beelaha Abgaal.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Imaamka iyo dadkii la socday ka dalbaday in dowladda loo sugo ilaa 1-da Luulyo ama todobaadka xorriyadda kadibna ay dowladda Soomaaliya furi doonto wadooyinka gobalka Banaadir.

Odayaasha ayaa aqbalay balse waxaa jira warar kale oo sheegaya in aysan xaqiiq aheyn hadalka Madaxweynaha ee uu doonayo in uu ku dejiyo Imaamka iyo dadka la socda.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa isku aragti ka aheyn go’aanka Madaxweynaha ee furidda wadooyinka waxaana laga yaabaa in aysan suurta gelin ballan qaadka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com