CC Shakuur oo shaaciyay qorshihiisa kadib xilkii uu u magacaabay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka in uu noqdo ergayga gaarka ah ee arrimaha Bani’aadamninada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo uu barbar taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu dadaal badan gelin doono wax ka qabashada xaalada abaareed ee dalka, islamarkaana ay ka hortagi doonaan inta aysan isku badalin Macaluul.

“Waa u guntan doona in aan dadka Soomaaliyeed wax alaale iyo wixii aan gaarsiin karo gaarsiino, inta aysan isku bedelin Macaluul aan ka hortagno. Dowladdana waxaa ka rajeynayna in aan garab buuxa ka helno hay’addaheeda kala duwan, adduunkana aan ka helno,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maadama dalka uu ku jiray xili kala-guur ah aysan jirin taageero ay beesha caalamka ka geysatay xaalada aabaareed ee dalka, islamarkaana uu taas ka howl-gali doono sida ugu dhaqsaha badan.

“Mas’uuliyada aad na-saartay (Madaxweyne) waxaa ugu shaqeyn doona si niyad ah Umadda Soomaaliyeed oo adduunka u jeedino baaqiisa, oo dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba isku xirkaas aad na-saartay mas’uuliyadeeda.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kamid ahaa musharixiintii mucaaradka ee ka qayb-galay doorashadii madaxtinimo ee 15-kii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacaabistiisa ayaa kusoo beegmeysa, xilli Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan oo ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.