Ugu yaraan 18 caruur ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday iskuul ku yaalla Mareykanka

Uvalde (Caasimada Online) – Ugu yaraan 18 caruur iyo macallin ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan ka fuliyey dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka Talaadadii, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.

Barasaabka gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in tuhmanaha weerarka oo ahaa 18 jir deganaa magaalada Uvalde ee Texas ay toogasho ku dileen saraakiil u gurmatay iskuulka.

Weerarka ayaa ka dhacay dugsiga hoose ee Robb Elementary School ee magaalada Uvalde oo 85 mile galbeed kaga beegan magaalada San Antonio. Tuhmanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Salvador Ramos, sida ay ku warrameen booliska.

“Wuxuu toogtay oo uu si arxan-darro ah u dilay 18 arday iyo macallin,” ayuu yiri barasaab Greg Abbott.

Saddex qof oo kale oo dhaawac ah ayaa isbitaal la dhigay, ayada la sheegay in xaaladdooda ay halis tahay. 

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa sheegay in markii uu madaxweynaha noqonayey uu rajeynayey inuusan qaban shir jaraa’id oo noocan ah.

“Waalid ayaan mar dambe arki doonin caruurtooda, oo aan marnaba kula bood boodi doonin sariirta oo aan hab siin doonin. Waalidiin ayaan marnaba sidoodii hore noqon doonin. Inaad weyso ilmahagaa waa sida ayada oo qeyb ka mid ah naftaada la qaaday,” ayuu yiri.

Madaxweyne Biden ayaa sharci-dejiyayaasha Mareykanka ugu baaqay inay xanuunkan ku beddelaan inay ansixiyaan sharci xakameynaya haysashada hubka oo caadi ah ka ah Mareykanka.

Toogashadan ayaa timid wax kayar laba toddobaad un kadib markii nin ay mas’uuliyiinta sheegeen inay dhiiri-gelisay cunsurinimo, uu suuq ku yaalla magaalada Buffalo ee gobolka New York ku dilay 10 qof oo badankood madow ahaa.