CC Shakuur oo shaaciyey in QOOR QOOR uu taageeray muddo kororsiga Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan go’aankii baarlamaanka ayaa shaaciyey in Axmed Qoor Qoor uu taageeray muddo korosiga Farmaajo.

Horey wxaaa loo ogaa in madaxda HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ay taageereen muddo korosiga Farmaajo, halka Qoor Qoor uusan caddeyn mowqifkiisa, hase yeeshee qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey saddexda maamulba in ay taageereen muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, iyaga oo aan wax latashiyo ah la soo sameyn baarlamaanadooda, wasiiradooda iyo bulshadooda intaba.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saddexdan maamul ee taabacsan Villa Soomaaliya ay ka arkeen dadkooda, isla-markaana ay go’aanka ku sitaan jeebka, siduu hadalka u dhigay.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayuu dhanka kale ku amaanay, sida ay ugu kalsoon yihiin dadkooda, baarlamaanadooda iyo wasiiradooda oo ay la tashiyo la soo sameeyeen, kadibna si cad uga biyo diiday arrinta muddo kororsiga oo uu ku tilmaamay sharci darro.

“Waxaa is waydiin mudan dawlad goboleedyada qaarkood bulshadii rayadka iyo waxgaradkii ayey la tashadeen, ka dibna golayaashii Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa go’aan ku diiday muddo kororsiga . Laakiin dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed yey la tashadeen markii ay go’aanka muddo kororsiga Farmaajo ku taageereen? bulsho rayad, waxgarad, Gole Wasiiro iyo Baarlamaan ma lahan miyaa? Mise dadkoodeey ka arkeen oo go’aanka iyagaa jeebka ku sita?,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Dhinaca kale musharrax madaxweyne Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa si cad uga horyimid la kulanka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo dalab u diray qaar ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka, balse ay ku gacan seereen.

“Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday. Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey warbaahinta dowladda ay u shaacisay warqad la sheegay inay si wadajir u soo saareen maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo lagu taageeray go’aankii baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba Soomaaliya ayaa gashay xaalad cusub oo jahwareer ah, kadib markii lagu kala kacay wada-hadalladii ka socda Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.