GUUDLAAWE oo war kasoo saaray dilka Korneyl Yaasiin

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa si adag uga hadlay qarax miino oo shalay gelinkii dambe lagu dilay Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ugu horreyn madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi tiraanyo leh u diray ehellada, qaraxaada, asaxaabta iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee uu marxuumkaka baxay, isaga oo sidoo kale u rajeeyey inuu Eebbe ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle ayaa amray laamaha ammaanka inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan falka lagu dilay sarkaalkaas oo ka howl-galayey Shabeelaha Dhexe.

Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow iyo ciidamo oo watay ayaa qarax miino lagula eegtay deegaanka Gololey ee duleedka degmada Balcad, kaas oo uu ku dhintay, iyadoo sidoo kale dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen qaar ka mid ah askartii la socotay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa ah ee lagu dilay sarkaalkaasi ka tirsanaa ciidanka milatariga, sida ay ku baahisay Internet-ka.

Inta badan waxaa jidka xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ka dhaca qaraxyo nooca miinada ah, waxaana kii ugu dambeeyey uu haleelay gaari ay la socdeen dad rayid ah, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ahaa, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.