CC Shakuur oo shaaciyey ‘sababta ay Villa Somalia garaadada sare ugu taxday’ taliye Saadaq John

Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u naqdiyay munaasibad xalay uu Taliyaha Booliska Soomaaliyeed uu ku dallacsiiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Gobolka, taasi

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegaya in Saadaq John oo kamid ahaa Taliyayaashi xalay la dalacsiiyay uu geystay xasuuq ka dhacay xarunta xisbiga Wadajir, oo uu ku dilay shan askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka.

Cabdiraxmaan ayaa talaabadan lagu dalacsiiyay Saadaq John ku tilmaamay sida uu Maamulka Villa Somalia ka taliya uu uga arradan-yahay dowladnimada iyo damiirka dadnimo.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona sheegay in sawirka abaal-marinta lagu gudoonsinayo Saadaq John ay marqaati fur u noqoneyso gabood-falka xasuuqii ka dhacay xarunta xisbiga Wadajir, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa:

“Waxay ummada Soomaaliyeed wada ogsoon tahay in wiilkan garaadaha sareeya guuto caawa loo xiray uu xasuuq ka gaystay xarunta Xisbiga Wadajir oo uu 5 askari oo ciidanka xooga dalka ka tirsan ku dilay, maydkoodiina kabaha ku aasay.

Tani waxay cadayn u tahay in kuwa abaalmarinta siinaya iyo kuwa kor ka soo amray ay danbiga shirko kula yihiin, waxayna shacabka Soomaaliyeed tusaysaa sida uu rajiimka Vila Somalia ka taliyaa sharci, dawladnimo, damiir iyo dadnimo kaga arradan yahay.

Waxaan kalsooni ku qabaa in wiilashii la xasuuqay mar ay noqotoba ay cadaalad heli doonaan, sawirkaninna uu marqaati fur u noqon doono gaboodfalka xasuuqii uu rajiimka Vila Somalia ka arrimiya geystay”.

Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com