Prof. Galeyr oo shaaciyay oraah uu eeday intii tabliiqa siyaasadeed uu waday

Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inay jirto kalmad uu eeday intii ay wadeen barnaamijka Tabliiqa Siyaasadda ee ay isaga iyo Prof Samatar ku qabteen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Prof Galeyr ayaa sheegay inuu eeday odhaahda ah ‘Somaliland la wada leeyahay’ taasi oo dhowr jeer oo hore uu si adag uga hadlay barnaamijkii Tabliiqa Siyaasadeed.

Galeyr ayaa ka dhawaajiyey in bulshada reer Somaliland looga baahanyahay inay si adag u xisaabtamaan, isagoona xusay in Tabliiqa Siyaasadeed uu wax badan u soo hooyay siyaasada Somaliland.

Prof. Cali Khaliif Galeyr, ayaa arrimahaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey madal lagaga doodayey waxyaabihii Somaliland u qabsoomay intii ay jirtay, wuxuuna yiri:

“Waar bahashan yaan la moodin qofku hadduu dhulkana u dhashay kuna da’daalayo daacadna ka yahay is qiimayn adag in lagu cunsuriyadeeyo oo lagu dhaleeceeyo oo tuke baal cad laga dhigo, aniga iyo Axmed Ismaacil Samatar waa inaga maqan yahay ee laakiin waa dhawayd tabliiq siyaasigii aan meelahan ka bilownay, hadda ogaada waa arin xiisa leh dad badan oo xasaasiyad ka qabayna waa ay jiraan”.

“Somalilad waxay u soo hooysay inay tahay siyaasad ahaan qaangaadh, oo hoggaan qaangaadh ah ay leeyihiin hadayba soo dhawaynayaan oo si urursan ay qiimayntaas adag loo samayn karo, hadda sida aad adigu isku taqaan maaha ee Somalilandneey waa sida laguu yaqaan, Somalilandneey taas ogaada waa laynoogu sad kordhinayaa haddii dimuqraadiyada aynaan ku laafiyoonayn, laakiin wax yaalo loo baahan yahay oo aan laga tagi karayn ayaa jira oo doodan iyo fooramka halkan laga hayaa ay ka mid tahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Anigu waxaan daacad ka ahay oo aanan cidna u cadaynayn reer Somaliland ayaan ahay laakiin reer Somaliland isku wada sumado ma nihin, isku taariikh ma nihin laakiin yoolka aynu wada leenahay kaas ayaa inaga dhaxeeya cidna lagama sheegan karo, warkii laygu canbaaraynaayay ma wada odhanaayo Somaliland la wada leeyahay waanba eedaye, taas iyada ka hadliba maayo”.

Halkaan ka daawo ismiidaamiyihii Kismaayo oo beel lama filaan kasoo jeedo

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com