CC Shakuur oo sheegay in gurigiisa lasoo weeraray iyo dagaal culus oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey in hadda hoyga uu ka degan yahay Muqdisho uu ka socdo weerar lagu soo qaaday, kaas oo mas’uuliyadiisa uu dusha ka saaray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku shaaciyey in haatan ay gurigiisa oo weerar ku socdo ay kula sugan yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin ugu tegay wadatashi, maadaama xaaladda Muqdisho ay maanta kacsaneed.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada  weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan ayaa dhawaan soo degay guri u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaal culus, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka.