DEG DEG: Dagaal ka socda agagaarka KM4

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in goor dhow uu dagaal ka billowday agagaarka KM4 ee maagaalada Muqdisho, ayada oo la maqlayo rasaas xooggan oo dhaceysa.

Dagaalka oo ka socda inta u dhaxeysa KM4 iyo madaxtooyadii hore Cabdiqaasim ayaan la ogeyn illaa iyo hadda cidda uu u dhaxeeyo, hase yeeshe waxaa la sheegay inay ku lug leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa kale oo kasoo horjeeda.

Dagaalka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale uu galabta dagaal ka dhacay xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, markii ay ciidamada dowladda weerareen ciidamada ilaalada madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaalkaas ayaa goor dambe qaboobay markii lasoo riixay ciidamada dowladda oo isugu jiray Nabad-Sugid iyo Gorgor.

Wixii warar ah ee kusoo kordha la soco dhowaan, Insha Allah.