Xasan Sheekh oo sheegay inay soo weerareen ciidan ka amar qaata Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowladda federaalka ah ay mar kale maanta weerar kusoo qaadeen.

Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku yiri “Waxaa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo.”

Waa weerarkii labaad oo ay ciidamada dowladda ku qaadaan madaxweynayaashii hore, ayada oo sidoo kale 19-kii Febraayo ay ku weerareen hotelka Maa’ida oo ay deganaayeen.

Dagaalka galabta ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Mirinaayo ee ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidamada ilaalada musharaxiinta, oo ay taageerayaan ciidamo militari ah oo Muqdisho soo galay iyo ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Nabad-Sugidda iyo gorgor.

Mas’uuliyiin ku dhow musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka Mirinaayo uu billowday kadib markii ciidamada dowladda ay soo weerareen aagga difaaca ciidamada ilaalada, sidaasna uu ku bilowday dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda loosoo riixay dhanka garoonka Stadium Konis, islamarkaana aagga lagu dagaalamay ee Mirinaayo uu qabsaday Korneel Cusmaan Xaadoole, oo maanta ciidamo badan lasoo galay Muqdisho.