Dagaalkii ka socday aagga Mirinaayo oo istaagay iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa istaagay dagaal ka socday qeybo ka mid ah degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Mirinaayo ee ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidamada ilaalada musharaxiinta, oo ay taageerayaan ciidamo militari ah oo Muqdisho soo galay iyo ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Nabad-Sugidda iyo gorgor.

Mas’uuliyiin ku dhow musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka Mirinaayo uu billowday kadib markii ciidamada dowladda ay soo weerareen aagga difaaca ciidamada ilaalada, sidaasna uu ku bilowday dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda loosoo riixay dhanka garoonka Stadium Konis, islamarkaana aagga lagu dagaalamay ee Mirinaayo uu qabsaday Korneel Cusmaan Xaadoole, oo maanta ciidamo badan lasoo galay Muqdisho.

Dhinacxa kale, ciidankii saakay qabsaday xaafaddo ka mid ah degmada Yaaqshiid ayaa dib uga laabtay deegaanka Gudbadleey kadib, lama oga sababaha uga baxeen, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in saraakiishii hogaamineysay ay la hadleen odayaasha deegaanka. Ciidanka dowladda ayaa dib ugu soo laabtay Isgoysa Fagax oo dagaal la’aan kula wareegay.

Goor sii horeysay dagaal kooban oo ka dhacay isgoyska Sanca ayaa ciidankii milateriga dib looga riixay. 

Xaaladda magaalada ayaa hadda degan, mana jiraan wax rasaas ah oo laga maqlayo.

Dagaalka ayaa yimid ayada oo maanta ay magaalada Muqdisho soo galeen ciidamo badan oo ka tirsan militariga oo kasoo horjeedo muddo kororsiga Farmaajo.