DAGAALKA oo ku faafay wadada Maka Al-Mukarama ee bartamaha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda magaalada Muqdisho ayaa ku sii faafaya dhul badan kaas oo markii hore ka qarxay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo uu degan yahay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dagaalka ayaa ku faafay isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana laga maqlayaa rasaas la is-weydaarsanayo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa goordhaw shaaciyey in weerar toos ah uu ku socdo gurigiisa oo ay kula sugan yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin uu sheegay inay ugu tageen wadatashi, maadaama xaalaldda magaaladu ay aad u kacsan tahay.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada  weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan ayaa dhawaan soo degay guri u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaalka xoogiisa, waxana la sheegay in weerarkan ay fuliyeen ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka.