CC Shakuur oo si adag uga hadlay go’aanka DF Somalia + Arrimo uu soo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay go’aanka dowlada federaalka Somaliya ay xiriirkii ugu jartay dalka Gini.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in go’aankaasi ay xukuumada Farmaajo qaadatay uu ka muuqday fudeyd iyo biseyl la’aan diblomaasiyadeed.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona shaaciyey qodobo uu ku sheegay inay ka muuqdeen go’aankaasi, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan:

“Go’aanka Xukuumadda Federaalka ahi xiriirka ugu goysay Dalka Gini oo aan weligii Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la yeelan waxaa ka muuqda fudayd iyo qaangaar la’aan diblomaasiyadeed.

Dawlado ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya & Jabuuti ayaa habmaamuus iyo soo dhoweyn maqaam sare leh horey ugu qaabilay madaxda Somaliland, xukuumadduna kama falcelin, xiriirna uma jarin.

Haddaba go’aanka ay Xukuumadda Federaalka qaadatay waxaa ka muuqata;

1- Marba meel dhac aan lahayn mowqif mid ah oo sugan, maadaama falalkii diblomaasiyadeed ee kuwan la midka ahaa oo horey u dhacay laga aamusay, kana halkii ugu danbeysay looga falceliyey.

2-Go’aanku wuxuu sawir ka bixinayaa fududeyka iyo qaangaar la’aanta diblomaasiyadeed ee hoggaanka sare ee dowladda, sababtoo ah falceliska diblomaasiga ahi wuxuu leeyahay habraac marxaladaysan iyo curfi diblomaasi ah oo la maro. Xiriir jariddu waa tilaabta ugu danbeysa ee ma ahan tan laga bilaabo.

3- Go’aanku wuxuu kala durjinayaa isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna fursad siinayaa inta ku hawlan kala fogeynta labada dhinac iyo in waddada wadahadalka xiranto.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com