CC Shakuur oo si cajiib ah uga hadlay khilaafka Deni iyo Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal dheer soo saaray ayaa si cajiib ah oo maldahan uga hadlay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo maalmihii dambe hadallo xanaf leh isku marinayay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan carab baabin labada nin ayaa sheegay in qofka mas’uulka ah looga baahanyahay inuu markasta u hadlo si aqlaaqle ah, isla-markaana uu noqdo ikhyaar. Dad badan oo qoraalkan ka falceliyay ayaase sheegay inuu ula jeedo madaxweyne Saciid Deni oo ay is hayaan dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay khalad tahay in lagu xad-gudbo qofka xilka hayo, isla-markaana la aflagaadeeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Siyaasigu waa in uu sariigtaa, hadalkiisa sarbeebaa haddii uu dhaliil jeedinayo, ama uu ka falcelinayo mid loo jeediyey, dhaliishu waa in ay ficilka iyo kartida hawl gudasho ku ekaataa oo aysan beegsan shakhiga cirdigiisa, muuqiisa ama dadnimadiisa.” ayuu yiri CC Shakuur.

Halkan hoose ka aqriso:-

Masuuliyad akhlaaqi ah ayaa saaran siyaasiga in uu ku hadlo luqadda asluubaysi iyo ikhyaarnimo hadal leh (decency and civility), kana fogaado hadal suuqeedka, iyo wax kasta oo dhiilo iyo colaad hurin kara, ama damqinaya dhaawacyada aan weli bogsan ee bulshadeena colaadda ka soo kabanaysa.

Waa laga yaabaa in ay kugu hareersan yihiin kuwo aan runta kugula dhiirran karin, kuwo kuu durbaan tumaya ama xigto xamaas kuugu sacaba tumaysa, laakiin waxay ku egtahay inta aad xilka hayso.

Waa faham qaldan in xilka iyo xafiiska dawladda loo qaato in shakhsi ama reer leeyihiin. Dawladda dadkaa wada leh, ruuxii xafiis dan guud hayana waa in uu karti iyo dulqaad u yeesho dhaliisha loo jeedinayo, doodaha laga horkeenayo, xanta iyo dicaayadda laga fidinayo.

Taa macnaheedu maaha in masuulka xilka haya lagu xadgudbo oo aflagaado lafagaar ah lagula kaco.

Siyaasigu waa in uu sariigtaa, hadalkiisa sarbeebaa haddii uu dhaliil jeedinayo, ama uu ka falcelinayo mid loo jeediyey, dhaliishu waa in ay ficilka iyo kartida hawl gudasho ku ekaataa oo aysan beegsan shakhiga cirdigiisa, muuqiisa ama dadnimadiisa.

Nasiibdaro, dalkeenu ma laha hay’addo dhisa kaadirka siyaasiga ah, mana jiro halbeeg lagu baadi sooco hibada, hawlkarnimadda iyo hufnaanta siyaasiga. Dunida kale siyaasigu wuxuu ka soo dhex baxaa hay’addo siyaasadeed, wuxuuna soo maraa tijaabooyin, iyo loollan adag oo dadku ku bartaan dunta iyo dadnimada siyaasiga.

Soomaaliya way fuddudahay in aad sallaanka siyaasadda dusha sare ka fuusho, degdegna kaga degto, waa halkii uu Abwaan Hadraawi ka lahaa;

“Rag siyaasi wada-noqoy

Wada-furey sil-siladaha,

Hadba taanu suurayn

Yidhi anigu bal aan saxo”

Waa waxa keenaya in siyaaga Soomaaliyeed isagoo og in uu xilka muddo kooban haynayo uu haddana xukunku miyir la’aan ku ridayo, damaca shakhsiga ahna kaga faa’iidaysto kicinta iyo kala irdhaynta shacab ay diin, isir, iyo dal mideeyaan, iyo bulsho is mudan, isku masiir ah,  meelna u kala kacaynin.

Waa waxa keenaya in siyaasigeenu garan waayo  in xilku uusan kugu soo kordhinaynin dadnimo, balse uu duntaada dibadda soo dhigayo.

Waa waxa keenaya in siyaasiga markii uu xil la’aanta yahay uu akhyaar yahay, laakiin haddii uu xukun iyo xil arko uu dabeecad kale la soo baxayo, halka kii shalay kursiga fadhiyey ee laga harsan la’aa markii uu xilka ka soo dego xikmad socoto yahay.