CC Shakuur oo war ka soo saaray qoysas ka cabanaya DF oo ay ka maqan tahay…

Muqdisho (Caasimada Online) ― Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta si adag uga hadlay cabasho ka soo yeertay qoysas ay dagaalada kaga geeriyooden askar ka tirsan ciidamada DF Soomaaliya, oo ka cabanayey in muddo bilo ah aysan helin wax mushahar ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay cabashada ka soo yeertay qoysaskaasi ay dagaalada kaga dhinteen wiilashoodii oo naftooda u huray badbaadinta umada, isla markaana baaq culus u direy Mas’uuliyiinta dowlada.

Cabdiraxmaan ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan:

“Ummad waliba waxaa lagu qiimeeyaa sida ay u sharfto una karaameeyso halyeeyada naftood u huraya ilaalinta Diinta, Dalka iyo sharafta Dadka.

Allaha guuleeyo wiilasha iyo hablaha furumaha dagaalka ku jira oo naftooda huraya, qaraxa iyo xabbadda cadawga isku dhigaya si ay inta kale u badbaadiyaan, soo gurmada xilliga uu xaalku halis yahay, qorraxda, dhaxanta, iyo dabaysha tagaan, iyagoo calooshoodu maran tahay, carruurtooduna qadeyso.

Haddii aan halyeeyadaa xaqooda la gudin intii ay noolaayeen, suuragal maaha in carruurtooda agoonta ahna la dayaco.

Waxaan madaxda qaranka ugu baqayaa in ay degdeg wax uga qabtaan cabashadda qoysaskan”.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho