Muqdisho (Caasimada Online) – Xildibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, kadib tallaabo uu maanta qaaday.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo saaray ayaa si weyn uga fal-celiyay arrin uu maanta sameeyay Xamza Cabdi Barre, kadib markii uu kasoo muuqday diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashada ee maalinta labaada ka socoto degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.
Ra’iisul wasaaraha oo ay la socdeen qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa kasoo muuqday safafka dhaadheer ee ay shacabka ugu jiraan ololaha diiwaan-gelinta ee uu wado guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyay sida ay wax ku socdaan, wuxuuna sheegay in dalka uu aaday qof iyo cod, awooddiina dib loogu soo celiyay shacabka.
Intaasi kadib Warsame oo qoraal deg-deg ah soo saaray ayaa arrintan ku tilmay ‘igu sawir’ isaga oo xusay inay kamid tahay waxyaabihii laga dhexlay dowladdii hore.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in waxqabadkii dowladda oo dhan lagu soo koobay sawir iyo muuqaal lagu baahiyo baraha bulshada.
“Waxaa la abaalmariyey tayo xumida iyo xil gudasho la’aanta. Waxaa la nuxuusiyey dhaqankii suubaanaa ee kartida, daacadnimada, xishoodka, hufnaanta iyo ixtiraamka ee bulshada isku hayn lahaa, kalsoonida iyo is aaminadda dhisi lahaa, dawlad dhiskana lagama maarmaanka u ahaa” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-
Sawirka idiin muuqda iyo kuwo kaloo badan oo la mid ah waa natijada dhaqanka siyaasadeedkii sanadihii tegey la soo dhisayey ee waxqabadkii iyo adeeggii dowladnimo ku soo koobay gelin qura ku mood, sawirka saacaddaas iyo muuqaalka maalintaas.
Labadii rajiim ee xukunka isaga danbeeyey waxay ina dhaxalsiiyeen dhaqan siyaasadeed ku dhisan qiimo dilka qofnimada iyo awoodeeynta guulwadanimada, ammaanta madaxda iyo aflagaaddada inta ka aragtida duwan. Waxaa la abaalmariyey tayo xumida iyo xil gudasho la’aanta. Waxaa la nuxuusiyey dhaqankii suubaanaa ee kartida, daacadnimada, xishoodka, hufnaanta iyo ixtiraamka ee bulshada isku hayn lahaa, kalsoonida iyo is aaminadda dhisi lahaa, dawlad dhiskana lagama maarmaanka u ahaa.
Bay’ada guulwadayntu waxay soo saartay madax, masuuliyiin iyo hawlwadeen dowladeed oo aan kalsooni qabin, maadaama ay ka soo boodeen jaranjartii dabiiciga ahayd ee nolsha, xilkana aysan ku helin mutaysi (aqoon, waaya-aragnimo iyo xirfad).
Dhaqanka caynkaasi ah xukun iyo dawladnimo ma dhiso, dal colaad kasoo kabanaya oo cadow aragagexiso ah wajahayana kuma sii jiro