CC SHAKUUR oo weerarka Xalane la xiriiriyay qorshe siyaasadeed – Muxuu yahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay weerarkii barqanimadii maanta lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu la xiriiriyay hirdanka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in weerarka Xalane uu bilow u yahay howl-galo maalmihii u dambeeyay si weyn looga digayay, isaga oo xusay in weerarkaas uu jawaab u ahaa in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone.

“Al-Shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“”Maalmahaan oo idil waxaa ina soo gaarayey digniino isi soo tarayey oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqal gelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin. Weerarka maanta ka dhacay xerada Xalane waa billowgii hawlgalladaas.”

Waxa uu sheegay in dalka uu ku jira xilli xasaasi ah oo kala guur ah, isaga oo ku eedeyay in hay’adihii amnigana ay gacanta ugu jiraan koox aan sariig lahayn oo waddo kasta u maraya xaqiijinta dantooda shakhsiga ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu tallaabo qaado, islamarkaana uu intaan ka badan indhaha ka laaban karin masuuliyada ka saaran dalka, gaar ahaan amniga iyo howlaha xil-wareejinta xiliga kala guurka ah.

“Waa in Xukuumaddu qaaddo tallaabooyin muuqda oo dib u habayn lagu sameeyo hoggaanka hay’adda amniga, xilkoodana loo dhiibo shakhsiyaad lagu aamino karo amniga dalka, farahana kula jirin siyaasadda iyo doorashooyinka. Haddii aysan taasi degdeg u dhicin, waxaa ka dhalanaya in shacabku idinka iyo dawladnimada oo idilba uu ka aamin baxo,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhinaca kale, Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa asaguna goor sii horeysay qoraal uu soo saaray ayaa sheegay in weerarka maanta lagu eekeeyay qeybo kamid ah xerada Xalane uu saameeyey duulimaayada gudaha iyo dibadda oo istaagay.

“5 sano kahor Hangarkii Afisyoone lagu doortay xukunka dalkana lagula wareejiyay ayaa maanta xabadi ka dhex socotaa. Duulimaadyadii gudaha iyo dibeda ayaana mar qur ah istaagay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale waxa uu Mahad weerar ku qaaday maamulka Farmaajo, isaga oo sheegay inay ayaan darro tahay in hoolkii lagu doortay 5 sano, ka hor ay maanta ka dhaceyso rasaas.

“Dhowr iyo toban sano meel Shabaab waligood aysan imaanin ayay maanta ka dhex dagaalamayaan. Farmaajo dal iyo dad midna lagama dhaxli doono ee hanbada hartay halaga badbaadiyo!.”