Lafta-gareen iyo Villa Somalia oo guul-darro ay ka raacday doorashada kursigii Goodax

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gabagabeeyey doorashada kursiga #HOP063 oo ahaa kursigii ugu adkaa ee doorashadiisa ka dhacdo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taasi oo socotay saacado badan

Kursigaan oo ay u tartameen illaa 9 musharax oo uu ku jiray xildhibaankii ku fadhiyey kursigaas afartii sano ee lasoo dhaafay Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ugu dambeyn wareega ugu dambeeyey tartamay Cabdirisaaq Cabdillaahi Ciid iyo Maxamed Daahir. 

Wareegii ugu dambeeyey ayuu Ciid waxa uu helay codad gaarayo illaa 56 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Maxamed Daahir uu helay 44 cod, wuxuuna guddiga sheegay inuu halaabay 1 cod.

Musharax laga guuleystay ee Maxamed Daahir ayaa waxay walaalo isku hooyo ah yihiin madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kaasi oo lacag badan ku bixiyey doorashada walaalkiis.

Maxamed Daahir ayaa wuxuu sidoo kale taageero weyn ka heystay Villa Somalia oo waqti badan gelisay inuu kursigaan kusoo baxo, balse ugu dambeyn waa laga adkaaday.

Dhanka kale, musharax ku guuleystay tartanka kursigaan ayaa wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo u dabaa-ldegay guushiisa.

Kursigaan oo tartankiisa uu qaatay saacado badan ayaa kamid ahaa kuraasta Beesha Xawaadle ee taalay magaalada Beledweyne kuwaas oo muddo badan la isku heystay in shaqsiyaad gaar ah loo xiro iyo in si cadaalad ah loogu tartamo.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa go’aan ku gaaray in kuraastaas Beeshaas ay noqdaan kuwa furan oo si caddaalad ah loogu tartamo, maadaama uu jiray khilaaf muddo badan u dhaxeeyey isaga iyo Beesha Kuraastaas leh.