Booliska DF iyo safaarada Mareykanka oo war cusub ka soo saaray weerarkii Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey weerarkii ay maanta xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyey geerida laba qof iyo dhaawacyada lix kale oo isugu jira askartii weerarka ka hortagtay ee isugu jiray AMISOM iyo booliska Soomaaliya iyo sidoo kale dad shacab ah.

Dhanka kale Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter-keeda waxay ku tiri, “Mareykanka wuxuu cambaareynayaa kuwa doonaya inay dilaan oo burburiyaan. Waxaan taageereynaa kuwa doonaya inay dhistaan ​​Soomaaliya ammaan, barwaaqo iyo nabad ah. aan si wadajir ah u hormarino soo noolaynta Soomaaliya.”

Weerarka ayaa ka bilaawday irida hore ee Marina Gate, halkaas oo ay ku yaallaan goobo ganacsi, waxaana fuliyey laba nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab., kuwaas oo mar dambe la toogtay.

“Goobta uu weerarku ka bilaawday ciidan kuma sugneyn, waxaa ku yaalla goobo ganacsi, oo hooyooyin Soomaaliyeed ay u soo shaqo tagaan subax kasta, hadda shaqada garoonka si caadi ah ayey u socotaa, wax hakad ahna kuma imaan oo goobta weerarkaas lagu fashiliyey dhowr KM ayey u jirtay,” ayuu yiri Afhayeenka booliska.

Siyaasiyiin badan ayaa ka falceliyey weerarkaan oo maanta ka dhacay banaanka ee hoolkii Farmaajo lagu doortay shan sano ka hor, taas oo waji gabax badan ku abuureysa damaca Farmaajo oo mar kale doonaya inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaan Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah siyaasiyiinta qoraallada ka soo saaray weerarkaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo fariin u diray xukuumadda ayaa yiri, “Waa in Xukuumaddu qaaddo tallaabooyin muuqda oo dib u habayn lagu sameeyo hoggaanka hay’adda amniga, xilkoodana loo dhiibo shakhsiyaad lagu aamino karo amniga dalka, farahana kula jirin siyaasadda iyo doorashooyinka. Haddii aysan taasi degdeg u dhicin, waxaa ka dhalanaya in shacabku idinka iyo dawladnimada oo idilba uu ka aamin baxo.”

Dhankiisa Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri, “5 sano kahor Hangarkii Afisyoone lagu doortay xukunka dalkana lagula wareejiyay ayaa maanta xabadi ka dhex socotaa. Duulimaadyadii gudaha iyo dibeda ayaana mar qur ah istaagay, dhowr iyo toban sano meel Shabaab waligood aysan imaanin ayay maanta ka dhex dagaalamayaan. Farmaajo dal iyo dad midna lagama dhaxli doono ee hanbada hartay halaga badbaadiyo!.”

Hoos ka daawo afhayeenka Booliska

https://youtu.be/tDUwCwecJ3g?t=1