Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo caawa lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.

Qof naftiisa haligay ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey Xildhibaan Aamino oo isla goobta ku geeriyootay. Waxaana gudaha magaalada goordhaw laga maqlay qaraxii 3-aad.

Qaraxa labaad waxaa la xaqiijiyey in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay gaadiid lagu siday dhaawacyada iyo meydadka Xildhibaan Aamino iyo askarteedii.

Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ahaa musharaxiinta kursiga HOP#058 ayaa ka mid ahaa dadka waxaa lagu dilay qaraxa labaad, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey dhaawaca wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Jawiga magaalada ayaa mar qura is bedelay, waxaana wahada laga saaray guud ahaan korontadii magaalada, khasaaraha qaraxyadaan ayaan la ogaa karin, waxaana hakad gashay doorashada kursiga HOP#011 oo xerada Lamagalaay ka socotay.

Xildhibaan Aamino oo caawa la dilay ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horay ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u dakanowday kiiska Ikraan Tahliil oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online