Farmaajo oo ka hadlay dilka xildhibaan Aamina Maxamed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne muddo xileedku ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal tacsi ah kasoo saaray geerida Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi oo ku shihiidday qarax ay kooxda arxan-laaweyaasha Argagixisada ahi caawa kula eegteen magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha oo sidoo kale tacsi u diray ehelada masuuliyiinta iyo muwaadiniinta kale ee Ku geeriyoodey qaraxa, ayaa falkaas arxan darrada ah ku tilmaamay mid bahalnimo ah, oo ka tarjumaya dhagarta kooxaha argagixisada ee cadowga ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed ee birimageydada ah. 

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ay caawa argagixisadu cadowga ku ah nolosha iyo jiritaanka ummadda ay ku dishay magaalada Beledweyne. Qoyskeeda, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa geeridaa tiiraanyada badan leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda iyo muwaadiniinta kale, Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.