Dilka Xildhibaan Aamina oo lagu eedeeyey Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin waaweyn ayaa ka soo hadlay geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo caawa lagu dilay Beledweyne, waxayna ka mideysan yihiin tuhunka ay gelinayaan in dilka Aamino ay soo maleegtay kooxda Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si toos ah Villa Somalia farta ugu fiiqay, sidoo xildhibaanada kala ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Macalimuu iyo bulsho kale oo aad u badan ayaa qoraalo ka soo saaray geerida Marxuum Aamino.

Ugu horeyn Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa caadi ah miyaa in dadka dhaliila Villa Somalia ay dilaan Al-Shabaab. Miyaan aqbalnaa oo horey u soconaa? Hadda yaa ah Al-Shabaab. Khaarijintaan waxaa fuliyey Villa Somalia, wax kale ma jiraan. Allah ha u naxariisto xildhibaan Aamina.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Aamino waxay aheyd shakhsi dulmiga diiday, caddaaladda u hiilliyay una taagnaa difaaca xuquuqda muwaadinka, taasina waxay ka dhigtay geesiyad ku nool damiirka shacabka Soomaaliyeed. Maanta ayaan ka digay weerarrada abaabulan ee lagu beegsanayo dadka dulmiga diiday ee difaacayay xuquuqda muwaadiniinta, si loo cabsi geliyo inta aamusan, ama ku fekeraysa in doorashada soo socota ay isbeddel ka u hiiliyaan.”

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Mar kale ayaan ku celinayaa, Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisa waa in ay qaadaan tallaabooyin masuuliyadda amniga looga saarayo gacanta kuwa  argagexisada la shaqaynaya ama ku hawlan fulinta ajandayaasha shakhsiga ah. Haddii aydaan qaadi karin, fadlan dadka yaan la hoosaasin oo u caddeeya in aadan awoodin.”

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri, “Ikraan Tahliil way marjiyeen, Aamino way isku miidaamiyeen, shaki maleh inay laba Shabaab wada shaqeeyaan.”

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa isna yiri, “Aamina ka sokow in ay aheyd haweeney aqoonyahan ah , dhiirran, u taagneyd Difaaca iyo u qareemidda gabdhaha hadane waxa ay aheyd Macalin iyo barbaariso. 10 sano ka hor wareysi aan ka qaaday waxa ay dhiirrigalineysay waxbarashada gabdhaha. Waa in si dhab ah loo baaraa ,loona soo helaa dhagar qabayaashii ka danbeeyay dilka Xildhibaanadda.”

Xildhibaan Aamino oo qof naftiisa haligay uu isku qarxiyey ayaa mar kale lagu beegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay gaari lagu siday meydadka iyo dhaawacyada Xildhibaan Aamino iyo askartii ilaalineysay, halkaas waxaa ku dhintay dad uu ku jiro Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo hadda ahaa musharax xildhibaan, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey dhaawaca wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.