Rooble oo shaaciyey in xildhibaan Aamina loo dilay kiiska Ikraan Tahliil dartiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi loo dilay inaanu guuleysan cadaaladda loo raadinayo kiiska Ikraan Tahliil.

Rooble oo soo saaray war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in sidoo kale dilka xildhibaan Aamina iyo weerarkii xerada Xalane iyo garoonka Aadan Cadde ay wada xiriiraan

Hoos ka aqriso qoraalka Rooble

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu si adag u cambaareynayaa kana xun yahay falalkii argagixiso ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne oo ah kuwo looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo doorashada laguna cabsi geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u arkaa in weerarkii maanta lagu qaaday aagga xerada Afisyooni ee u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo qaraxii Baladweyne ee caawa lagu dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku xiran oo abaabulan, marka la eego goobaha la beegsaday, shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo xilliga lagu soo aaddiyay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo u doodista caddaaladda iyo xuquuqda muwaadiniinta.

“Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in falalka fulaynimo ee noocan ahi aysan marnaba ka horjoogsan doonin xaqiijinta in ay dalka ka dhacdo doorasho sida ugu dhaqsiyaha badan, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ku boorrinayaa feejignaan dheeri ah iyo in ay gacan ku siiyaan hirgelinta doorashada iyo in dalku yeesho hoggaan cusub oo ka samata bixiya xaaladda adag ee amni, siyaasad, dhaqaale iyo bani’aadminimo.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in doorashada dalku ku soo gabagebowda sida ugu dhaqsaha badan, isla markaana lala xisaabtamo oo caddaaladda la horkeeno dambiileyaasha nooc kasta oo ay yihiin goor ay noqotaba, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan yihiin caddaaladda iyo dowladnimada.