Meydka AUN marxuumad Aamino Maxamed Cabdi oo la keenayo MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saacadaha soo socda la filaya in magaalada Muqdisho la keeno Maydka Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo xalay ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo lagula beegsaday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sida uu xaqiijiyey xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo lagu soo doortay Beledweyne marxuumadda ayaa waxaa lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Jeesow oo ka hadlayey geerida ku timid marxuumadda ayaa sheegay inay aheyd xildhibaanad ka dhex muuqatay reer Hiiraan.

“Aamino waxay aheed xildhibaanad ka dhex muuqato, gobolka Hiiraan, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed. Ilaahey ha u naxariisto, sabar iyo iimaan allaha naga wada siiyo,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Qaban qaabada aaska ayaa haatan si weyn looga dareemayaa caasimada, waxaana geerida Aamino Maxamed ay si weyn u taabatay Ummadda Soomaaliyeed, iyada oo lagu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil Faarax oo dartiis loogu magac daray Hooyadii Cadaaladda.

Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horey ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u takanowday kiiska Ikraan oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.

Inkastoo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaanada, haddane siyaasiyiin iyo shacab ayaa waxa ay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya oo toddobaadyadii tegay wadday olole la doonayey in Aamino looga saaro liiska musharixiinta kursigii ay horey ugu fadhisay.