Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda BELEDWEYNE iyo khasaaraha oo kordhay

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa weli ka taagan xaalad murugsan oo ka dhalatay qaraxyadii xooganaa ee xalay gilgilay magaaladaasi, kuwaas oo saameyn ku reebay Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha uu sii kordhay, isla-markaana ay badatay tirada dhimashada oo gaareysa illaa 20 qof, halka dhaawacuna uu yahay 30 ruux.

Sidoo kale qaraxyadan ayaa geystay saameyn xoogan, waxaana ku burburay dhismayaal dhowr ah oo uu ku jiro isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Ku simaha taliyaha saldhigga Booliska Beledweyne oo saaka Wariyeyaasha kula hadlay goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa shaaca ka qaaday in aysan weli hayn tirakoob sax ah oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaasi, wuxuuna sheegay inay ku reebeen shacabka Beledweyne xaalad murugo badan oo bedashay jawigooda.

“Qaraxa hadda ka dhacay meesha aan taaganahay isbitaalka hortiisa oo inta ku dhimatay tirakoobkooda aanan heyn illaa iyo hadda oo dad aad u fara badan ay ku dhammaadeen,” ayuu yiri ku simaha taliyaha saldhigga Booliska ee magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Qaybta siliga ee iridda oo iyadana qarax kale uu ka dhacay oo ismiidaamis ah oo qof jaakad xiran ah marka illaa iyo hadda masoo koobi karno dhimashada inta ay tahay,”.

Dadka ku dhintay qaraxyadaan ayaa waxaa ka mid aheyd xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn loogu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil iyo dad kale oo ay ku jiraan askar.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan oo ku soo aaday, xilli ay doorasho ka socoto magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.