QM oo dalab soo saartay, kadib weerarkii XALANE?

Muqdisho (Caasimada Onoine) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si adag uga hadlay weerarkii toos ka ahaa ee ay shalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xerada Xalane oo uu ku yaal garoonka Aadan Cadde ayna degan tahay AMISOM.

Guterres ayaa marka hore si kulul u cambaareeyey weerarkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 6 qof oo 5 ka mid ah ay ahaayeen dad ajaaniib, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada dadlkooda lagu dilay dhacdadaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah

“Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna u rajeynayaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah, ayuu yiri Antonio Guterres

Sidoo kale wuxuu xoghayaha ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo laamaha ammaanka in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyey falkaasi, si loo horgeeyo cadaaladda.

“Wuxuu ku baaqayaa in dambiilayaasha weerarka geystay cadaaladda la horkeeno,” ayuu sii raaciyey xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Weerarkan ayaa noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaado xerada Xalane, oo ah halka la sheego inay ugu amni badan tahay Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale weerarkan dhaliyey hadal heyn iyo shaki xoogan oo ku aadan sida loo soo abaabulay, maadaama lagu beegsaday xero si weyn amnigeed loo ilaaliyo.