Muxuu Jeneraal XUUD ka yiri qaraxyadii Beledweyne?

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaano (Xuud) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda guud ee amniga magaalada Beledweyne, kadib qaraxyadii xooganaa ee xalay ka dhacay magaaladaasi.

Ugu horreyn Xuud ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxyadaas oo ay ku jirtay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad.

Jeneraalka ayaa sheegay inuu dhib weyn soo gaaray reer Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in dhibaatooyinkan ay soo noq-noqdeen, balse loo baahan yahay in laga wada tashado.

“Dhib weyn ayaa na gaaray haddaan reer Hiiraan nahay, dhacdadii xalay tii koowaad ma’aha dhibaatooyin badan oo horey u dhacay ayaa jira waxay u baahan tahay marka talo haddaan la tashan waxaan waa nagu sii soconayaan,” ayuu yiri Jeneraal Abuukar Xuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Dhammaanteen reer Hiiraan haddaan nahay wixii dhacay waan ka xunahay aad ayaan uga xunahay,”.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadaan oo kordhay ayaa gaaray illaa 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale, waxaana mas’uuliyaddooda sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, dhacdadan ayaa si weyn u beddashay xaaladda guud ee Beledweyne oo ay horey uga socotay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id:-