Daawo: Xasan Sheekh oo dalab culus soo saaray kadib dilkii xildhibaan AAMINA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dilkii xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ee loogu geystay iridka hoyga ay deganeyd oo aan ka fogeyn madaxtooyada HirShabeelle ee Baladweyne iyo weerarkii ka dhacay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho aysan aheyn dhacdooyin caadi ah, isla markaana lagu tilmaami karin dhacdooyin argagixiso.

Xasan Sheekh ayaa dalbaday in dilka xildhibaanad Aamina iyo weerarkii garoonka diyaaraddaha qeybta Mirana Gate labaduba in lagu sameeyo baaris heer caalami ah oo ay ka qeyb qaataan khuburo madax bannaan, wuxuuna ka codsaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka shaqeeyo inay baaris caalami ah uu helo shilka lagu dilay xildhibaan Aamino.

Sidoo kale, wuxuu Xasan Sheekh tilmaamay in ujeeddada dilka marxuumada uu ahaa in la aamusiyo cid kasta oo xaqa u dooda iyo cid kasta oo muujiso caddaalad raadinta.

Wuxuu kaloo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in xiligaan kala guurka ah ee dalku marayo inaan wadada laga leexin, waxyaabaha qaar hadda dhacay iyo kuwo kale oo maalmaha soo socda dhici karaan in la rabo in wadada looga leexiyo, loogana dan leeyahay in carqalad la abuuro iyo in doorashada dib u dhac ku yimaada, Ummada Soomaaliyeedna ay waajib ku tahay inay talada dalka iyo masiirkooda go’aan ka gaaraan.

“Waxaan leeyahay kuwa beenaalayaasha ah, bilaa xeetayaasha ah, dhiiga iyo xumaha inay ku naaxayaan ama ku guuleysanayaan ama sharaf iyo karaamo ku gaaraya aaminsan, waxna ku gaari meysaan, dadka Soomaaliyeed waa ka dheg nugul yihiin waxaad sameyneysaan dad fahmi waayay ma ahan,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo shacabka mar kale ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay go’aan ugu gaari lahaayeen masiirkooda iyo dowladnimadooda.

Cambaareynta iyo eedeymaha loo jeedinaayo madaxda Villa Somalia ee ah inay ku lug leeyihiin weerarkii ka dhacay garoonka diyaaraddaha Muqdisho iyo dilkii xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa isa soo taraya, iyadoo arrintaani ay tahay mid gilgishay guud ahaan Soomaalida.