CC Shakuur “Waa laga gudbay xilligii qori caaradiis wax lagu maquuninaayey”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo saxaafadda la hadlay kadib markii ay dambi ku weysay maxkamada gobolka Banaadir ayaa si kooban uga hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horreyn wuxuu u mahadceliyey cid walbo oo ka dhiidhisay xariggii ay dowladda kula kacday, isaga oo sheegay iney guuleysatay cadaaladdii.

Waxa uu tilmaamay in hadda ay soo dhammaatay oo kaliya qeybta hore ee dacwadda balse qeybta dambe ay furmi doonto uuna ku raadsanayo xaqii uu lahaa.

Sidoo kale, waxa uu Mr. Shakuur u sheegay madaxda sare ee dowladda in laga gudbay waqtii wax lagu maquuninaayey waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale, C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu baaqay Labada aqal  Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya in lala xisaabtamo cid walbo oo mas’uuliyaddeeda gabtay.

“Dacwada qeybteeda hore ayaa dhamaatay, qeybtii dambena wey furmi doontaa oo aniga xaqii aan lahaa ciddii igu soo been abuuratayna beenteedii waa la cadeeyay, waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka haysata, waa laga gudbay xilligii qori caaradiis wax lagu maquuninaayey, dalkaan xilli dib loo celiyo ma joogo, dastuurka iyo sharciga ayaa ka taliya, Labada guddoon ee baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa in sharciga ay la tiigsadaan cid walbo oo sharciga ka weynaato, xildhibaannada baarlamaankana waxaan ugu baaqayaa dalkaan waxa lagu wada joogi karo waa sharci, cidii gabtay mas’uuliyadeeda iney kula xisaabtamaan Labada aqal dhexdooda” ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta sheegtay in wax dambi ah aanu lahayn siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur, waxaana sidoo kale ay tilmaantay maxkamaddu inaanu racfaan ka furneyn kiiskan.