Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la fasaxay iyo racfaan laga qaatay oo la diiday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u fasaxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna sheegay in wax  caddeyn ah lagu waayey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Awey ayaa sheegay inay xeer ilaalinta keensan weysay wax caddeyn ah oo lagu xiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu sheegay in markii horeba qalad lagu soo xiray iyadoo aan wax fasax ah laga heysan Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadanayaan go’aankaan, guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa ka dhaga adeegay, wuxuuna tilmaamay inaysan jirin wax racfaan ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa tilmaamay inay xeer ilaalinta Maxkamadda horteeda la imaan weysay wax caddeyn ku filan kiiskaas.

“Maadaama aan markii hore lagu soo qaban ogolaansho Maxkamadeed, ayaa waxay amartay Xafiiska Xeer Ilaalinta inay keento muddo 24 saac caddeymo, xafiiska xeer ilaalinta wuxuu ku guuldareystay inuu keeno caddeymo dhameystiran, Maxkamadda waxay xoriyadiisa u soo celisay C/raxmaan C/shakuur”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo intaa ku daray in aan wax racfaan laga qaadan karin

Intaas kaddib ayaa waxaa goobta is qabsaday sawaxan iyo sacab, dadkii goobta ku sugnaa ay mar qura isla heleen, waxaana loogu hambalyeynayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur xoriyadii ay dib ugu soo celisay Maxkamadda.

Arrintaan ayaa dhabarjab ku noqotay xeer ilaalinta oo Siyaasigaan habeen madow kusoo weerartay gurigiisa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Halkaan ka daawo go’aanka Maxkamadda