Dhageyso: Xeer ilaaliyaha qaranka oo ka horyimid go’aankii lagu sii daayey CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cali Daahir, Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ku siideysay Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Xeer ilaalinta ay Racfaan qaateen islamarkaana Maxkamadda isku ogaayeen hayeeshee uu go’aanka Maxkamadda ka dambeeyay.

Maxkamadda Gobolka ayaa sheegtay in xeer ilaalinta ay ku fashilantay in ay keento caddeyn ku filan dacwadda C/raxmaan C/shakuur Warsame,waxaana ay fasaxday siyaasiga iyada oo go’aankeeda raacisay in uusan jirin racfaan laga qaadan karo xukunka.

C/raxmaan ayaa siideyntiisii kaddib waxaa uu sheegay in Maxkamadda qeybteeda 2-aad ay dhimantahay siideyntiisana ay ahayd qeybta 1-aad.

Waxaa uu sheegay in gar darro lagu weeraray Gurigiisa, Hantidiisa lagu baabi’iyay sidoo kalena lagu laayay ilaaladiisa,waxaana uu xildhibaannada labada gole ugu baaqay in ay sharciga ilaaliyaan.

Hoos ka dhageyso hadalka xeer ilaaliyaha