Fiqi ” Axmed Cali Daahir wuxuu u muuqdaa “Xayn Ilaaliye” laguma tilmaami karo Xeer Ilaaliya”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ku tilmaamay inuu yaha Xayn Ilaaliya, isagoo hadalkaas ula jeedo inuu kooxda dowladda kaliya ilaaliyo.

Axmed Macalin Fiqi oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal xasaasi ah ayaa sheegay inuu Axmed Cali Daahir ku ceeboobay Maxkamadda horteeda isla markaasna uu mar labaad ku ceeboobi rabo Guddoomiyaha Baarlamaanka hortiisa.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Facebook soo dhigay:

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maantay u yeeray Axmed Cali Daahir oo si sharciga baalmarsan hawada u mariyey eedaymo laba xildhibaan oo ka mid ah golaha shacabka kuwaasoo uu soo codsaday in xasaanadda laga qaado.

Axmed Cali Daahir ayaa golaha joogtada ah hortooda lagu weydiiyey caddyamaha uu u hayo arrinta xildhibaanada labada ah, waxeyna ugu danbeyn arrintiisii ku soo dhamaatay Afsoomaali, aan wax caddeyn soo hordhigin guddiga joogtada ah hortooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa arrinta ugu danbeyn la wareegay asagoo sheegay inuusan qaadan karin in lagu gafo sharafta xildhibaanada iyo golaha shacabka.

Axmed Cali Daahir wuxuu ku hor fadeexoobay maanta maxkamadda kiiskii C/raxmaan C/shukuur, haddana wuxuu ku hor fadeexoobi doonaa mar kale golaha shacabka.

Xeer Ilaaliya sida magaciisa ka muuqata wuxuu ilaaliyaa xeerka iyo shuruucda dalka laakin Axmed Cali Daahir wuxuu u muuqdaa “Xayn Ilaaliye” ku milmay siyaasadda dalka, noqdayna gacan loo adeegsado siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka aragtida duwan madaxda dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com