CC SHAKUUR: Waxaa noo ballan ah xafiiska ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markale qoraal xasaasi ah kasoo saaray xaaladda cakiran ee ka taagan dalka, gaar ahaan xiisadda hareysay Villa Soomaaliya ee u dhexeyso Farmaajo iyo Rooble.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakiir ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabadii uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, wuxuuna ku eedeeyey in uusan utureyn dowladnimada, sidoo kalena uusan ilaalineyn dastuurka & shuruucda u taal dalka.

“Farmaajo dawladnimo uma turin, dastuurna ma dhowrin, guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan dadka degaankana waxba uma hanbayn, xad-gudubyadiisu way is daba yaalleen, laga soo billaabo weerarkii 17 Dec, ee xarunta Xisbiga Wadajir, shirqoolkii lagu dilay AUN Eng Yarisow, weerarkii uu 19 February ku qaaday Madaxweynayaashii hore, rasaastii isla maalinkaa la dhacay madaxdii iyo shacabkii mudaaharaadayey, khaarijintii Ikraan Tahliil, iyo maanta uu Raysalwasaarihii madaxiisa haysto,” ayuu yiri siyaasiga CC Shakuur.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ku sii daray “Farmaajo nin garasho leh maaha, nin gar qaata maaha, nin sharci, dastuur iyo akhlaaq leh maaha, nacas iyo nin liita [daba dhilif] keli ah ayuu rabaa,”.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan odayaasha, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, haweenka, dhalinyarada iyo ciidanka ay ka soo horjeestaan Farmaajo, ayna taageero u muujiyaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

“Waa in aan iska qabanaa, Shacab, siyaasi, oday, aqoon yahan, haween, dhallinyaro iyo ciidan waa in marka hore dhaba dhilifka iyo calooshiis u shaqaystaha ka soo horreeya iska qabannaa, ka dibna iska bixinnaa. Dhamaanteen Xafiiska Rooble ayaa noo balan ah,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan xaaladda dalka ay tahay mid aad u cakiran, waxaana uga sii dartay xiisadda haatan ka taagan Villa Soomaaliya ee Farmaajo & Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii