R/W Rooble oo la wareegay mas’uuliyadda dalka, amar culusna siiyey ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, isaga oo si adag uga jawaabay tallaabadii uu Farmaajo saaka uga hor istaagay xafiiskiisa.

Waxa uu tallaabadaas ku tilmaamay isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, dastuurka iyo sharciyadda dalka u yaallo, kaasi oo markii dambe fashil kusoo dhamaaday.

“Farmaajo ka sokow inuu shuruucda Dalka ku xadgudbay wuxuu Saaka weerar ciidan kusoo qaaday xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo Golaha Wasiirada, isagoo isku dayey inuu ka hor joogsado inay gutaan waajibaadkoodii Qaran” ayuu sii raaciyey,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tallaabooyinka uu qaaday Farmaajo ku sheegay inay yihiin kuwa lagu carqaladeenayo doorashada dalka ka socota, si uu wada ugu sii xaaro muddo kororsi sharci darro ah.

“Ujeedada uu ka leeyahay tallaabooyinkaan gurican ee sharciga baalmarsan waa inuu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah si lamid ah isku daygii fashilmay  ee Bishii April ee dalka lagu dumin rabay”.

Waxa uu sheegaymar haddii uu Farmaajo go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha dowladda uu Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayo in xukuumadda ay gudaneyso waajibaadka ka saran xaaladda kala guurka ee Dalka ku jiro.

“Maadaama madaxweynihii hore ay muuqato inuu go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowaladda isagoo aan heysan sharciyad waxaa Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah , gaar ahaan xilliga kala guurka ah ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hey’adaha kala duwan ee Qaranka”.

Dhammaan ciidamada kala duwan ee Dowladda ayuu ku amray inay isaga ka amar qaataan, wuxuuna ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadi doono ciddii amarkiisa diida.

Waxa uu markale ku cceliyay in Farmaajo uu kamid yahay musharixiinta u taagan xilka madaxweyne, wuxuuna ugu baaqay inuu faraha kala baxo howlaha doorashada, si lamid ah musharaxiinta kale ee kursiga kula tartameysa.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida aan la wada socono waa musharax madaxweyne , waxba ugama duwana musharixiinta kale ee xilkaan u taagan, waxaana u caddeynayaa musharax ayaad tahay, gees u istaag sida musharixiinta oo kale kursigana u tartan, ciidamada kama amar qaadan karaan wax amar ahna ma siin karo maadama uu doonayo inuu awoodaha Qaranka uga faa’idesto musharxnimadiisa una burburiyo dowladanimada haddii uu waayo dantiisa shakhsiga ah taasoo ah waan boobaa ama waan badanaa”.

“Waxaan caddeynayaa inay iga go’an tahay inaan Dalka u horseedo doorasho hufan isla markaasa awoodda Dalka si nabad ah lagula kala wareego si looga baxo cakirnaanta siyaasadeed ee uu Dalka geliyey madaxweynihii hore.”

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Rooble