Xaad oo go’aan culus soo saaray kadib isku daygii uu maanta sameeyey Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa si adag uga horyimid tallaabooyinka guracan ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, kuwaasi oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in xiisada dagaal ee ka taagan dalka uu aas-aas u yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, isagoona shaaciyey inay garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Waxaa nahay waxgaradkii deegaankan, xabad xal ma keento oo natiijadeeda waa naqaana. Marka waxaa ku baaqeyna anaga oo ah Odayaashii Hawiye in la joojiyo dagaalkaas iyo wixii sababi kara oo dhan,” ayuu yiri.

“Waxaa garab taaganahay Raysal Wasaare Rooble, waxaana ka soo horjeedaan Fowdada Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo. Ina Farmaajo ha ka wareego doorashada oo caqabada ha ka qaado.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday u jeediyay in uu faraha kala baxo arrimaha doorashada oo uu lamid noqdo musharaxiinta kale ee u taagan kursiga uu rabo in markale uu helo.

“Waddankaan waxaa u daawo ah oo mushkiladan ku xalismi karto waa in la helo doorasho daah-furan oo la aamini karo, ayada ayaa ku baaqeyna waa soo dhaweynayna go’aamada uu markii hore qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, haddana waxaa leenahay ku hogaami hufnaan iyo fir-fircooni iyo inaad la tashi la sameysid Madasha Wada-tashiga Qaran.”

Nabadoon Xaad ayaa ugu dambeyntiina madaxda dowlad goboleedyada dalka ugu baaqay inay dhinac istaagan Rooble, si loo saxo qaladaadka ka jira doorashada socoto, loona dadajiyo dhameystirkeeda.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu saaka isku dayay in awood ciidan uu Ra’iisul Wasaaraha uga hor istaago xafiiskiisa, kadib shaqo joojintii sharci darada aheyd ee uu xalay saqdii dhexe soo saaray.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: