Kheyre: “Farmaajo wuxuu isku qasayaa dab iyo gaas”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabooyinkii uu Xalay iyo Maanta qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in mustaqbalka dalka uu galay mugdi isla markaasna ay Maanta joogto in la weeraro xafiiska Ra’isulwasaarihii dalka.

” Waxaa shaki ku jirin in Maanta dalkeena galay xaalad mugdi ah,  waxaa shaki ku jirin in mustaqbalkeena iyo mustaqbalka ubadkeena Maanta la huwiyey khatar aan indhaha laga qarsan karin, waxaana Maanta taaganahay in xafiiska Ra’isuwasaarihii loo igmaday inuu daadihiyo doorashada Dalka ciidamo la dul dhigo” ayuu yiri.

Kheyre ayaa madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ku eedeeyey inuu dalka u jiheeyey god mugdi ah 30 sano kadib.

“ Nasiib darro waxaa muuqda in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday oo looga fadhiyey door odaynimo inuu ka doortay inuu dalka u jeeheeyo godki mugdiga ahaa ee horey looga dhacay 30 sano ka hor” ayuu sii raaciyey.

Kheyre ayaa tilmaamay in Dalka oo ku jiro xaalado abuuro iyo dhaqaale xumo isla markaasna ay Al-Shabaab shacabkii dilayaan inuu Farmaajo go’aansaday inuu dalka ku maamulo Kaare.

“ Waa caddahay halka uu Dalka u wado waayo waxaa muuqata inuu go’aansaday inuu isku qaso Dab iyo Gaas , in iyadoo Abaaro jiraan, argagixisadii ay Shacabka gumaadayaan, dhaqaalihii uu hoos u socdo, hey’adihii dalka ay wada cuuryaansan yihiin dadka Soomaaliyeedna ay doorasho sugayaan in ninkii Ummadda Soomaaliyeed u dooratay inuu dhibka ka saaro isagana laga rabay inuu bixiyo dulqaadka ugu badan inuu rabo inuu kaarayaal dalka ku xukumo” ayuu sii raaciyuey.

Ra’isulwaaariii hore ee dalka ayaa madaxda Maamu Goboleedyada dalka ugu baaqay inay qaataan mas’uuliyadooda si deg deg ahna ay isugu yimaadaan si looga hortago qatarta taagan.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo hoggaankooda ayuu ugu baaqay inaysan ku milmin siyaasadda isla markaasna ay ka dhabeeyaan wixii ay u dhaarteen oo ah badbaada Dadka.

Hadalka Xasan Cali Kheyre ayaa kusoo aadayo xilli uu cirka isku shareeray khilaafka Rooble iyo Farmaajo oo keenay in Farmaajo uu isku dayo inuu xoog ku qabsado xafiiska Ra’isulwasaaraha.