Shariif iyo Xasan Sheekh oo war kasoo saaray isku dayga afgambi ee Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday, iyada oo ku eedeeyey inuu sameeyey isku day afgembi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore qoraal uu soo saaray ku cambaareeyey fal uu ku sheegay ‘afgembi milatari’ oo uu sameeyey Farmaajo, wuxuuna sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay feejigan tahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan cambaareynayaa afgambiga milatari ee uu isku dayay madaxweynihii hore. Ummadda Soomaaliyeed waa ay soo jeeddaa waana feejigan tahay,” ayuu yiri Xasan.

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa kusii daray “Waxaan ku baaqayaa ilaalinta sharciyadda dimuqaraadiga ah ee uu dalka ku dhisan yahay & garab istaagga Ra’iisul Wasaaraha si dalka looga hirgeliyo doorasho

Dhankiisa madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna shaaciyey in go’aanada kasoo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ay halis ku yihiin dowladninada iyo xasiloonida dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka,” ayuu yiri.

Shariifka ayaa ugu baaqay Farmaajo inuu dib uga joogsado faragelinta uu ku hayo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Dalkaan xalkiisu wuxuu ku jiraa oo kaliya dhammaystirka doorashadii lagu heshiiyay, lana saxo wixii ka khaldan, taasoo loo igmaday hogaaminteeda  RW Mohamed Hussein Rooble. Talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi karo qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa baaq u diray dadka Soomalaiyeed, wuxuuna yiri “Bulshada Soomaaliyeed waa inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye. Waxaana ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in aynu meel ugasoo wada jeesanno badbaadada Dalka iyo Dowladnimada,”.

Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan, xiisadda ka qaraxday Villa Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareereysa, iyadoo tallaabooyinkii ay qaadeen labada dhinac ay uga sii dareen xiisadda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: