Sawirro: Rooble oo jabiyey xayiraadii Farmaajo – Sidee ayuu ku tegay xafiiskiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn jabiyey xayiraaddii uu saaray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo , isaga oo tegay xafiiskiisa.

Rooble oo ay wehliyaan taliyeyaasha Xoogga, Booliska iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa waxa ay ciidamo ka amar qaata Farmaajo ay isku dayeen inay hor istaagaan kolonyadiisa, balse wuxuu kadib lug ku galay xafiiskiisa, isaga oo jabiyey xiyaaradda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muujinaya dhabar adeeg xoog leh, wuxuuna haatan si caadi ah u bilaabay shaqadiisa.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa isna isku dayaya inuu shaqada ka joojiyo ra’iisul wasaaraha oo ay haatan isku hayaan arrimaha doorashooyinka.

Xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ayaa ka dareysa marba marka ka dambeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana sii kordhaya walaaca laga muujinayo xaaladda.

Sidoo kale waxaa isa soo taraya baaqyada kala duwan ee loo diray Farmaajo iyo Rooble oo laga dalbanayo inay qaboojiyaan xiisadda dhexdooda ah.

Haddii ay arrintu sidan kusii socoto xaaladda ayaa isku beddali karta gacan ka hadal, iyado aad looga digayo inay xiisaddu gaarto halkaasi.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo qalalaase horleh.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: