Mareykanka oo fariin culus u diray Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale war cusub ka soo ka soo saartay xiisadda haatan ka taagan Villa Soomaaliya, taas oo u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa marka hore farriin loogu diray Farmaajo iyo Rooble oo loogu baaqay inay xiisadda qaboojiyaan.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka dalbaday labada dhinac inay ka fogaadaan falalka kicinta ah, gaar ahaan hadallada kulul ee ay isku marinayaan warbaahinta iyo baraha bulshada.

Sidoo kale wuxuu Mareykanka sheegay in Farmaajo iyo Rooble looga baahan yahay ina ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara rabshado horleh oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

“Waxaan si adag ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda Muqdisho, kana fogaadaan falalka kicinta ah, kana fogaadaan rabshadaha,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay safaaradda Mareynkanka.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxayna si dhow ula socotaa xiisadda taagan iyo dooda ka dhalatay doorashooyinka.

Hadalka Mareykanka ayaa ku soo beegmaya, iyada oo haatan meel xun ay gaartay xiisadda Villa Soomaaliya ee u dhexeysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday & Rooble.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid sii cakirmeysay, iyada maamullada dalka ay qaar la kala safteen labada nin ee is haya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: