Mahdi Maxamed Guuleed oo shaaciyey mowqifkiisa, soo saaray baaq xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa caddeeyey mowqifkiisa ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda hadda ka taagan Villa Soomaaliya.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay dhex-dhexaad, isla-markaana uu noqonayo Tabliiq Nabadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha inay utaraan dalka, isaga oo guul u rajeeyey dadka Soomaaliyeed.

“Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan. Soomaaliya Guul,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Mahdi Guuleed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa u muuqda inuu ka baxay garabka Farmaajo oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ku wada jireen hal aag, marka loo eego khilaafaadkii iyo doodihii ka dhashay xaaladda kala guurka ah, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya, xilli adag oo xasaasi ah, waxaana meel adag gaaray khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba,lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii dareyso, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxalad doorasho.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo dagaal sokeeye

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: