Rooble oo jawaab culus ka bixiyey tallaabadii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa jawaab culus ku bixiyey tallaabadii ugu dambeysay ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday oo shaaciyey inuu shaqo joojin ku sameeyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, kadib eedeymo uu u jeediyey.

Rooble oo ka jawaabay go’aankaasi ayaa marka hore Farmaajo ku tilmaamay madaxweyne hore, wuxuuna sheegay in tallaabada uu qaaday ay baal-marsan tahay sharuucda dalka.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaadau in Farmaajo uu bilaabay inuu awood ciidan kula wareego xafiiskiisa, isagoo ka digay dhaq-dhaqaaqyada haatan ka socda Villa Soomaaliya.

“Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in wixii mas’uuliyad ah ee ka dhashay waxa haatan socda uu qaado madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayuu yiri Rooble,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay ra’iisul wasaaraha inuu sii wadi doono waajibaadka loo igmaday, isaga oo shaaciyey in uusan cidna uga hebeysan doonin.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah,” ayuu yiri.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii dareyso, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxalad doorasho.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo dagaal sokeeye

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: