Rooble oo ciidamo la dul-dhigay iyo xaalada oo kacsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay xarunta Villa Soomaaliya oo saacadihii u dambeeyey la geeyey ciidamo dheeraad ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta oo war kasoo saaray xaaladda taagan iyo dhaq-dhaqaaqyada laga dareemayo Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu socda Afgembi.

“Waxa socda saaka waa afgambi dadban mase guulaysanayo,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamo la dul-dhigay xafiiska ra’iisul wasaaraha, taas oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

“R/W Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fariisiyay. In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxeey furaysaa albaab cusub mana shaqayndoonto insha allaah,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda u dhexeysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku hayo doorashooyinka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii dareyso, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxlad doorasho.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo dagaal sokeeye

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: