Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu ka soo baxay dagaalka oo siyaasadda dalka uu qaribayo, isagoo sheegay in la bilaabay dagaalka laga ganacsado.
“Madaxweynaha waa soo baneeyey furimaha, dagaalkii wuxuu noqday mid laga ganacsado, Aadan-yabaal oo ugu dambeysay waa laga soo saaray ciidankii, guul darro maamul oo ku talagal ah ayaa dhacday,” ayuu yiri CC Shakuur.
Wuxuu dhaliilay qaabka loo maamulo ciidanka qaranka, isagoo sheegay in taliska xoogga lagu heysto maamulka ciidanka, taasina ay keentay jaha wareer iyo niyad jab ciidan.
“Qaladaadka dagaalka waxaa kamid ah in ciidanku seddax sano dagaal ku jiray, waa mamnuuc in askarigu lix bilood ka badan uu dagaal ku jiro oo furinta uu ku maqnaado, sirdoonka iyo sahayda ciidanka waa mid aad u liidata, taasi oo beylah ka dhigtay noloshii askarteena qiimaha badan,” ayuu yiri Warsame.
CC Shakuur ayaa sidoo kale sheegay in Shabaab ay heystaan diyaaradaha wax basaasa ee yar yar, halka ciidankeena aysan heysan, taasi oo keentay dayacaad badan.
“Musuq iyo maamul xumada jirta waxay gaartay heer darajada lagu bixiyo saaxiibtinimo iyo xiriir ama Xildhibaan cod looga bedelanayo, ugu dambeyntii waa kan ciidankii Madaxweynuhu kasoo saaray furimaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray CC Shakuur.
Wuxuu intaas ku sii daray in Shabaab ay diyaar garoobayaan oo ciidan badan ay dhisanayaan, “xitaa hub casri ah ayey heleen, halka ciidankeena la dayacay oo halgankoodii laga dhex ganacsanayo,” ayuu yiri.
Hoos ka daawo