CC Sharma’arke: Dalkaan doorasho kama dhaceyso haddii aan ra’iisul wasaare…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa war kasoo saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan dhibaatooyinka weli ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka iyo dhaqaalaha guud.

Cumar Cabdirashiid oo weerar ku qaaday madaxda qaranka ayaa shaaciyey in dalka uu gacan u galay dad aan dan ka laheyn, isla-markaana xaaladda gaarsiiyey meesha ay hadda taagan tahay.

“Dad aan lahayn dhabar mas’uuliyad lagu qaado ayuu waddanka u gacan galay oo meesha aynu taaganahay ayay na gaarsiiyeen, waa in shaqsiga uu yaqaanaa Cidda berri aad hiilada uga baahan tahay, Khibraddu wax sahlan ma aha” ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dalku u baahan yahay bad-badaado iyo dad u istaaga, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah ee lagu daahay.

Sharmaa’arke ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in mar kasta lala fal-galo dabaylaha dunida ka socda iyo isbeddalaya dhacaya.

“Qofka waa in lagu qiimiyaa kartidiisa, sida uu dadka isugu heyn karo, lana falgeli karo dabaylaha dunida ka socda ee xaaladaha qasan, Dalka haddii aan maanta la isugu tagin inta miirka qabta waxa uu u gacan galayaa Dad aan dan ka lahayn oo wixii loosoo maray waxa ay noqonayaan macno darro”  ayuu markale yiri ra’iisul wasaare Sharmaa’arke.

Sidoo kale wuu soo jeediyey sida looga gudbi karo arintan, wuxuuna yiri “Dalkaan haddii aan Ra’iisul Wasaare karti leh loo xulin, doorasho kama dhaceyso, dastuur dhammaanayo ma jiro, Ciidan & qorshe ma leh, Deyn la cafinayo ma jirto, waxyaabahaas oo dhan waa u muhiim in uu Ra’iisul Wasaaraha yahay mid ka bixi kara, Madaxweynaha ayaa ka caawin kara,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli is mariwaa ka taagan hannaanka doorashada oo marar badan dib u dhacday, kadib murano xoogan oo hareeyey kuraasta baarlamaanka.