CC Sharmaarke: “Go’aanka ICJ waxaan u fahmay inay arrinta siyaasadeysan tahay”

Muqdisho (Caasimada Online)-  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo xilligii ay dalka xukumeysay xukuumadiisii uu soo shaac-baxay muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda wax laga sida uu u arko xukunka maxkamadda ICJ ka soo baxay gelinkii dambe ee shalay, kaas oo Soomaaliya loogu xukumay inta badan biyihii lagu muransanaa.

Cumar oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey marxaladihii uu soo maray kiiskaan, isagoo sheegay in hadda go’aankaan ka soo baxay maxkamadda uu muujinayo in 85% biyihii lagu muransanaa Soomaaliya loo xukumay, halka 15% Kenya loo celiyey.

“Markaan akhriyey go’aankii ka soo baxay ICJ waxaan u fahmay in arrintaan ay siyaasadeysan tahay, sababtoo ah dooda waxay soo geliyeen Tanzania, si Kenya loo siiyo fursad, waa sida aan u fahmay, laakiin arrintaas waxaa ila haboon in dad sharci yaqaano ah ay dib u fiiriyaan,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey sida uu u arko xukunkaan, ayuu ku tilmaamay guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay, “ilaa 60-kii anaga iyo Kenya waan wada sheeganeynay biyahaas, laakiin hadda ka hor go’aan rasmi ah lagama gaarin xadeynta xuduud rasmi ah, in hadda lagu kala baxay runtii waa guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cumar.

Waxuu intaas ku sii daray, “Waxyaabaha anaga khatarta nagu ahaa waxaa ka mid ah, in xiligii dowladii militeriga sanadihii sideetamaadkii ay laba mar Kenya sheegatay in xuduuda uu muran ka taagan yahay,  dowladii militeriga ee Soomaaliya ka jirtana waa ka gaabsatay xiligaas, waxaana is leeyahay sababta ay uga aamustay waxay aheyd in hadii xal laga gaaro muranka biyaha ay u aragtay inay imaaneyso in dhulka NFD ay Soomaaliya lumiso.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sanadkii 2005-tii ay Kenya soo cusbooneysiisay sheegashadeedii, “MOU-gii xukuumadeyda ay saxiixday ayaa horta markii ugu horeysay lagu cadeeyey waxa ay Kenya sheeganeyso.”

Cumar Cabdirashiid oo sharaxayey wax tarka heshiiskii MOU-ga ayaa yiri, “Horta dadku waa inay fahmaan arrinta MOU-ga, heshiiskaas ayey Soomaaliya ku baxsatay, dooda Kenya markii aad u fiirsato waxaa xadeynayey MOU-ga, maanta Soomaaliya waxaa u xadeysan biyaheeda oo dhan, taasina waa guul Soomaaliya u soo hoyatay.”

Mar wax laga weydiiyey diidamada Kenya ee xukunkaan waxa ay soo kordhi karto ayaa waxa uu sheegay, in hadda kadib sharciyad dambe oo Kenya ay ku doodo aysan heli doonin, xukunkaasna uu u fuli doono sidii ay maxkamadda ICJ u go’aamisay.